Soomaali | Somali

Orange Door waxay dadka la kulma rabshadaha qoyska siiyaan caawimaad iyo taageero, sidoo kalena qoysaska u baahan taageerada nabadqabka iyo horumarka carruurta. Information about The Orange Door in Somali.

Macluumaadka Soomaali

Orange Door waxay dadka la kulma rabshadaha qoyska siiyaan caawimaad iyo taageero, sidoo kalena qoysaska u baahan taageerada nabadqabka iyo horumarka carruurta.

Mararka qaarkood marxaladaha guriga ama xiriirka kaala dhaxeeya qof kale ayaanan OK ahayn oo waxaad u baahan tahay xoogaa gargaar iyo taageero ah. Orange Door waxay halkan u joogaan inay ku dhagaystaan oo ay kaa caawiyaan inaad u heshid taageerada aad u baahan tahay si fudud oo dhakhsi ah.

Haddii aad ku jirto khatar degdeg ah, wac lambarka saddexda ebar (000).

Orange Door ayaa ku caawin kara hadii:

  • Aad u baahan tahay in lagaa caawiyo barbaarinta, ama aad ka welwelsan tahay caafimaadka ama korriimada ubadka ama qofka da'da yar.
  • Qof kuu dhow ayaa ku dareensiinaya cabsi ama ammaan darro sida lamaanahaaga, lamaanahaagii hore, xubin qoyskaaga ka mid ah ama daryeelahaaga.
  • Waxaad tahay ilmo ama qof dhallinyaro ah oo aan dareemayn ammaan ama in la daryeelayo.
  • Waxaad halis ugu jirtaa inaad sameysid dhaqan xumo ama in aad qofka korka ka qabsatid (controlling behaviour) ama waxaad u baahan tahay in lagaa caawiyo dabeecadahaan ka jira guriga ama xiriirka qof kale kaala dhaxeeya ah.
  • Waxaad ka welwelsan tahay ammaanka qof aad taqaan.
  • Waxaad la kulantay rabshad qoys, oo ay ku jiraan xakamaynta dabeecadda sida qof la socda meesha aad tagto, cidda aad booqato ama sida aad lacagta u isticmaasho.

Orange Door ayaa ku caawin kara ayagoo markaas:

  • Ku dhagaysan doona isla markaasna maqli doona waxa aad ka welwelsan tahay.
  • Kaala shaqayn doona sidii loo ogaan lahaa caawimada iyo taageerada aad u baahan tahay.
  • Kaa taageeri doona nabad qabka iyo horumarka carruurta iyo dhallinyarada.
  • Kaa caawinaya inaad sameysatid qorshe badbaado si adiga iyo carruurtaada aad u amman heshaan.
  • Kugu xiraya adeegyada ku caawin kara, sida la-talinta, hoyga, taageerada rabshadaha qoyska, caafimaadka dhimirka iyo adeegyada daroogada iyo khamriga, kooxaha taageerada waalidnimada, adeegyada carruurta, kaalmada dhaqaale, ama kaalmada sharciga.
  • Kaa caawinaya sidii aad u heli lahayd maalgelinta kharashyada nolosha aasaasiga ah iyo kharashyada kale.
  • Kaala shaqaynaya sidii aad wax uga badali laheed haddii aad ku dhaqantid akhlaaq xumo ama xakamaynta guriga ama xidhiidhka.

Sideen ku gali karaa Orange Door?

Orange Door waxay furan tahay 9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha (way xiran tahay maalmaha ciidaha).

Ku raadi goobta ama koodka boostada si aad u hesho adeega deegaankaaga.

Orange Door way kula shaqeyn karaan haddii aad isticmaashid qalabka dadka ka caawiya wada hadalka ama aad u baahan tahay turjubaan, oo uu ku jiro Auslan.

Waxaan u baahanahay turjubaan

U sheeg adeega haddii aad u baahan tahay turjubaan. La wadaag adeegga:

  • nambarka taleefankaaga
  • luqadaada
  • marka ay habboon tahay in lagu soo waco.

Turjubaan ayaa markaas dib kuu soo wici doona.

Orange Door ma tahay adeeg loogu talagalay dadka aniga oo kale ah?

Orange Door waxay soo dhawaynayaan dadka da' kasta leh, lab iyo dhedig ba leh, galmood kasta, dhaqan kasta, iyo karti kasta. Dhammaan dookhyada dhaqanka iyo diinta waa la ixtiraamaa. U sheeg shaqaalaha haddii aad doorbidayso inay kula shaqeeyaan nin ama naag shaqaale ah. Orange Door waxay la shaqeeyaan adeegyada dhaqamada kala duwan, adeegyada LGBTI iyo adeegyada iinta/naafada si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee shakhsiyaadka iyo qoysaska. Shaqaaluhu waxay kula wadaagi doonaan macluumaadka ku saabsan fursadaha waxayna kugu xidhi doonaan adeegyada aad u baahan tahay.

Haddii xataa aad tahay muhaajir ama qaxooti ama aadan haysan degenaansho rasmi ah, waan ku caawin karnaa. Ha ka cabsan inaad caawimaad raadsato ayadoo sababtuna tahay xaaladaada socdaalka/sharci (migration status). Tani waa adeeg lacag la'aan ah. U sheeg shaqaalaha Orange Door haddii aad doorbidayso inaad xaaladdaada ku sheegtid telefoonka ama adoo la jooga.

Halkee ayaan aadaa Orange Door markaysan furneen?

La xidhiidh adeegyada soo socda wixii ka baxsan saacadahan:

  • Adeegga Gudbinta Ragga (Men’s Referral Service) oo lambarkoodu yahay 1300 766 491 (8am ilaa 9pm Isniin ilaa Jimce iyo 9am ilaa 6pm Sabti iyo Axad iyo Maalmaha Fasaxyada Dadweynaha)
  • Safe Steps waa adeeg taageero oo loogu talagalay dhibanayaasha rabshadaha qoyska 1800 015 188 (24 saacadood, 7 maalmood todobaadkii). Sidoo kale waxaad iimayl u diri kartaa Safe Steps ama isticmaal adeegooda taageerada ee wada sheekaysiga shabakada tooska ah (live web chat)
  • Khadka caawinta dhibanayaasha Dembiga (dhammaan dhibanayaasha dembiga iyo dhibanayaasha ragga waaweyn ee la kulma rabshadaha qoyska) 1800 819 817 ama u fariin qoraal kudir 0427 767 891 (8am ilaa 11pm, maalin kasta)
  • Khadka Dhibaatada Galmada (The Sexual Assault Crisis Line) waxaa loogu talagalay dhibanayaasha la faraxumeeyay 1800 806 292 (24 saacadood, 7 maalmood usbuucii)

Haddii adiga ama qof kale uu ku sugan yahay xaalad khatar degdeg ah, wac Saddexda Ebar (000) wixii gargaar degdeg ah.

Wixii ku saabsan ra'yi wadaagis iyo baraayfasiga (privacy)

Waad nala wadaagi kartaa ra'yi gaaga ku saabsan wixii aad kala kulantay Orange Door adigoo isticmaalaya foomka jawaab celinta online oo laga heli karo orangedoor.vic.gov.au/feedback ama adigoo wacaya 1800 312 820 oo codsanaya inaad la hadasho shaqaalahaaga kula shaqeeyo, kormeeraha (supervisor) ama maamulaha.

Waxaan si masuuliyad kujirto u maareyneynaa sirtaada. Si aad u ogaato qaabka aan u isticmaali doono macluumaadkaaga, fadlan kaga bogo shuruucdeena barayfasiga (privacy policy ga).

Updated